Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka


Xildhibaano
Xildhibaano

Waxaa goordhow soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada guddomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa waxay murashaxiinta codadka u kala heleen sida soo socota.

1. Maxamedweli Cabdalle Axmed: 59 cod
2. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug): 58 cod
3. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar: 52 cod
4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod
5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod
6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod
7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod
8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.
9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod
10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod

Ma jirin musharax helay 50+1 oo ah 139 cod si uu tartanka ugu guuleysto, taasi oo qasab ka dhigeysa in wareega kale oo doorasho la galo.

Waxaa wareegga labaad u gudbaya afart murashax ee ugu codadka badan, hase yeeshee laba murshax ayaa sheegay inay tanaasuleen, kuwaas oo kala ah Maxamedweli oo galay kaalinta koowaad iyo Khadiija Diiriye oo gashay kaalinta afaraad.

Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo la rumeysan yahay in labaduba ay ka tirsan yihiin xubnaha mucaaradka.

Waxaa hadda socota tirinta codadka doorashada gudodomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

XS
SM
MD
LG