Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabad Sugidda oo Faahfaahisay Dilka Macallim Daa'uud


Al-Shabaab
Al-Shabaab

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska sare ee Hey’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo habeenkiiAxadda ay taariikhdu ku beegneyd 28-kii May 2016 ay hay’addu sheegtay in lagu diley sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabab oo lagu magacaabo Yuusuf Xaaji oo dhinaca Gaashaan-dhigga u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad sugidda ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji oo loo yaqaan Macalim Daa’uud lagu dilay goob aan ka fogayn deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubada Dhexe oo ah saldhigga ugu wayn Al-Shabaab labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Macalim Daa’uud ayaa la dilayxilli uu kasoo baxay kulan uu la lahaa golaha fulinta kooxda, oo lagu kala qaatay qorshaha weerarada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo kuwa kale oo ay damacsanayeen in la fuliyo xiliga lagu guda jiro doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.

Hey’adda NISA, ayaa sheegtay in Yuusuf Xaaji uu ahaa maskaxdkaxdii ka dambeysay ‘Weeraradii Leego, Janaale, Ceel-cadde, Laantabuure, Ruun-nirgood, Puntland iyo Galmidug, maadaama Jabhada Hubeysan Dhamaantood ay isaga hoosyimaadaan.

Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna xaqiijisay inay bartilmaameedsatay Macalim Daa’uud, waxaase wasaaaradda gaashaandhiggu sheegtay in weli ay qiimaynayso khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo ay sheegtay inuu ahaa mid duqayn cirka ah loo adeegsaday.

XS
SM
MD
LG