Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabadoon Beddel oo Muqdisho lagu dilay


Marxuum Beddel Jama Hirsi
Marxuum Beddel Jama Hirsi

MUQDISHO - Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay kooxo hubaysani ku dileen magaalada Muqdisho, alle ha u naxariistee nabadoon Beddel Jaamac Xirsi, isaga oo isla goobtii ku geeriyooday. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in nabadoonka la dilay xilli uu salaaddii makhrib ka soo baxay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka, isaga oo ku sifeeyey in Marxuumku uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiinay waddaniyad jacayl iyo nabadoonimo.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka ee Soomaaliya, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto falalka ay ku kacayaan kooxaha argagixisadu.

XS
SM
MD
LG