Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N'Golo Kante oo laba sano u saxiixi doona kooxda Sacuudiga ee Al-Ittihad

Chelsea's N'Golo Kante, left, and Watford's Ken Sema challenge for the ball during the English Premier League football match between Chelsea and Watford at Stamford Bridge stadium in London, Sunday, May 22, 2022.(AP Photo/Alastair Grant)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea N'Golo Kante ayaa u saxiixi doona kooxda heysata horyaalka Saudi Arabia ee Al-Ittihad heshiis labo sano ah, sida laga soo xigtay Al Ekhbariya TV Arbacada maanta ah.

Al Ekhbariya ayaa ku dartay in qandaraaska uu kula jiro 32-sano jirkaan lagu dari karo sannad kale oo dheeri ah haddii loo baahdo.

Haddii heshiiska uu u dhammaado sida la filayo, Kante ayaa la safan doona xiddiga ay isku dalka yihiin ee Karim Benzema, kaas oo Talaadadii heshiis saddex sano ah u saxiixay kooxda Sucuudiga.

Horyaalka Saudi Pro League ayaa sii wada soo jiidashada ciyaartoy heer sare ah tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo ugu biiray Al-Nassr bishii December in ka badan $220 milyan sannadkii.

Magacyada kale ee caanka ah ee kooxaha Sacuudiga ay bartilmaameedsan doona bilaha soo socda waxaa ka mid ah Sergio Busquets, Angel Di Maria, Jordi Alba iyo Sergio Ramos, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG