Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N'Golo Kante oo iibsaday koox ka dhisan waddanka Belgium 


FBL-ENG-PR-CHELSEA-NEWCASTLE
FBL-ENG-PR-CHELSEA-NEWCASTLE

N'Golo Kante oo toddobaadkii hore ku biiray kooxda heysata horyaalka Sacuudi Carabiya ee Al-Ittihad, ayaa weli ku lug yeelanaya kooxaha kubadda cagta Yurub kadib markii uu oggolaaday inuu iibsado kooxda heerka seddexaad ee dalka Belgium ee Royal Excelsior Virton.

Kooxdan ayaa sheegtay Khamiistii in ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea iyo Leicester City uu la wareegayo lahaanshaha kooxdan laga bilaabo 1-da Luulyo.

Naadigan, oo ku dhisan meel u dhow xudduudda Luxembourg, ma aysan shaacin wax faahfaahin maaliyadeed ah oo ku saabsan heshiiskan.

Shirkadda isleh kooxdan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhaqaale ahaan aysan liidan kooxdu, isla markaana aysan ku jirin wax deyn ah, iyada oo maamulkeed uu soo magacaabi doono N'Golo Kante.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG