Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey, hawlgallada ka dhank ahaa Al-Shabaab ee toddodbaadyadan ka dhacay degaanno ka mid ah waddanka gaar ahaan Hiiraan, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweeynaha ayaa uga digay dadwyenaha inay ka fogaadaan degaannada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin oo uu sheegay in la bartilmaameedsan doono.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab la duqayn doono, lana weerari doono, maleeshiyaadka iyo qof kasta oo ka tirsan Al-Shabaab-na uu baertilmaameed yahay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu madaxeynuhu ugu baaqay dadka inaan la tegin maxkamadaha Al-Shabaab, lagana fogaado Al-Shabaab.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrimahan ka waraysatay Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo horey usoo noqday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka iyo taliyaha hay’adda nabadsugidda.