Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu R/W Xamza ka yiri khilaafka Federaalka iyo Saciid Deni?


Xamza Barre
Xamza Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xiriirka kala dhaxeeya dadka ku nool Puntland uu fiican yahay, balse maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni uu sheegay inuu tirsanayo tabasho ilaa haatan aanu garanayn waxay salka ku hayso.

Xamza ayaa wareysi uu VOA siiyay ku sheegay in Siciid Deni uu ka sugayo inuu ula yimaado waxa uu xukuumadiisa ka tirsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira.

Haddaba waa tan qeyb kale oo ka mid ah wareysi Caasha Ibrahim Aden "Caashacuud" ay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre kula yeelatay magaalada New York.

Muxuu R/W Xamza ka yiri khilaafka Dowladda Federaalka iyo Saciid Deni?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG