Safiirkii Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray saacadihii hore ee maanta. Hadalkaasi waxaa sidoo kale VOA u xaqiijiyey ilo diblomaasiyadeed.
Safiirka ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay in laga reebay ka qaybgalka shirka 32-aad ee jJaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah 19-kii May, taasi oo safiirku sheegay inay baalmarsan tahay curfiga diblomaasiyadeed.
Safiirka ayaa sidoo kale ku sheegay warqaddiisa in laga ilaaliyey inuu si gaar ah u arko madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo uusan Safiirku si gaar ah u magacaabin cidda u diiday shirka
Jaamacadda carabta iyo inuu si gaar ah u arko madaxweynaha, haddana qoraalkiisa waxa ku xusan eedeymo uu u jeediyey xafiiska borotokoolka Madexweynaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaan makriiba ka jawaabin is-casilaadda safiirka iyo eedaha kasoo yeeray.
VOA waxaya la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ilaa haatanna kama aynaan helin jawaab rasmi ah, hase yeeshee ilo diblomaasiyadeed oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah rukhsad uma haystaan inay xilligan ka hadlaan arrintan ayaa VOA u sheegay in safiirku uu soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya markii uu tagay dalka Sucuudiga toddobaadkii hore.
Ilaha diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in shirka Jeddah uu ahaa mid ay Jaamacadda Carabt agaaisntay, taasina darteedna uu shirka kala qaybgalay safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.
VOA waxay sidoo kale la xiriirtay safiirka haddii uu waraysi ka bixinayo is-casilaadda, ilaa haatanna kama soo jawaabin codsigaas.