Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxiin badan oo isu soo taagay xilka guddoonka baarlamanka Soomaaliya


xildhibaanada
xildhibaanada

Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee la dhaariyay toddobaadkii hore ayaa xusul duub ugu jira sidii ay u dooran lahaayeen gudoonka baarlamka, kadibna madaxweyne.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda is-diiwaan gelinta xubnaha murashixiinta u tartamaya hoggaanka labada aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Weli waqti looma cayimin doorashada madaxweynaha laakiin tan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka bishan.

Beri waxaa ku eg maalmihii loo qabtay murashixiinta guddoonka Baarlamanka inay isku soo diiwaan geliyaan. Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho kasoo dirtay.

Musharaxiin badan oo isu soo taagay xilka guddoonka baarlamanka Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00

XS
SM
MD
LG