Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran Hareeyey Doorashada Madaxweyne ee Kenya


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqaya xasilooni, ayada dibadbaxyo culus ay dalka ka dillaaceen, kuwaasi oo ka dhashay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa guddiga doorashada, toddobaad ka hor inta aysan dhicin doorashada.

Dibadbaxayaasha ayaa tagay xafiiska guddiga doorashada ayaga oo caddaalad u dalbaya Christopher Msando.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda rayidka ayaa sheegaya in dilka Christopher Msando oo yimid waxyar ka hor un doorasho sidan muhiim u ah uusan ahayn wax si kam ah u dhacay.

“Dalka Kenya waxaa ka jira dhaqan ah saraakiil sare oo dhinta, la waayo ama si ula kac ah loo dilo, taasi oo xasilooni darro ku keeneysa doorashada” waxaa sidaas yiri John Githongo oo u dhaqaaqa xuquuqda rayidka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu ammaan dheeri ah siin doono shaqaalaha guddiga doorashada, wuxuuna ballanqaaday in doorashadu noqon doonto mid sax ah.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta ku eedeynaya inuu isku dayayo inuu ku shubto doorashada, eedeymahaas oo uu beeniyey.

XS
SM
MD
LG