Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Rag lagu helay Shabaabnimo oo xukun dil lagu fuliyey


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ku fulisay saddex nin oo lagu helay dambi ah inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay fuliyeen qaraxyo lagu dilay shacab iyo mas’uuliyiin.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu magacaabay Xasan Macalin Cali Barre (Boy), abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa saddexda nin xukunka dilka toogashada ah ku riday bilihii October iyo December ee 2019.

Xasan Macallin waxaa lagu helay in uu wade ka ahaa gaari ku qarxay Suuqa xaafadda Kaawo Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof. Isaaq Keerow Aadan waxaa lagu helay inuu ku lug lahaa dilal qorsheysan iyo weeraro ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan. Labada nin ayaa la xukumay December 2019.

Nuur Ibraahim Mahad-alle ayaa isna lagu helay qarixii lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada lagu riday 30-kii October ee 2019-kii. Nuur ayaa la sheegay inuu horey uga tirsanaa ciidamada booliska balse laga saaray kadib lagu eedeeyey inuu lunsaday hub ay dowladdu laheyd.

Waa markii labaad oo toddobaad gudihiis ay maxkamadda xukun toogasho ku fuliso dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun toogasho ku fulisay xubno lagu helay inay ka tirsanaayeen Daacish, 26-kii October.

XS
SM
MD
LG