Muqdisho —
Qarax ismiidaamin ah ayaa saaka ka dhacay xerada ciidamada ee Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan ee Muqdisho.
Ilo wareedyo codsaday in magacooda aan la sheegin ayaa u sheegay VOA in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey ciidanka xilli ay saf ku jireen.
Mid ka mid ah ilo wareedyada, oo ah sarkaal ka tirsan laamaha amniga, ayaa sheegay in dhimashadu ay gaarayso in ka badan 20, halka tiro kale oo bandanna ay ku dhaawacantay qaraxa.
Ururka al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.
Ciidanka la isku qarxiyey ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwo ka tirsan yihiin guutada 14-ka Oktoobar.
Warbixintan waxaaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Madal