Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaalada iyo Waxbarashada


Dagaalada ka soo cusboonaaday Muqdisho ayaa ku soo beegmay iyada oo dib loo furay dugsiyadii waxbarashada, waxaanay ku yeesheen saamayn xooggan.

Duqaynta madaafiicda iyo rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayaan ayaa caqabad ku ah isku socodka gaadiidka oo arday badan ku qasba in ay ka hadhaan waxbarashada.

Mid ka mid ah maamulayaasha Dugsiyada Waxbarasho ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Daa’uud ayaa VOAda u sheegay in hoos u dhac weyn laga dareemayo tirada ardayda ee sannadkan soo xaadiray dugsiyada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dhawaaqa madaafiicdu uu cabsi joogta ah ku hayo ardayda, taasi oo keenta in aanay si fudud u fahmi karin casharada ay macalimiintu bixinayaan.

Saamaynta dagaalada ayaan ku koobnayn oo kaliya ardayda iyada oo sidoo kale ay waxyeelo ka soo gaadho macalimiinta oo naftooda ku waaya iyaga oo gudanya hawsha wax barista dhallaanka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga aanu la yeelanay maamulaha.

XS
SM
MD
LG