Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad ku Dhintay Rasaasta Ciidanka Dawladda


Muqdisho: Dad ku Dhintay Rasaasta Ciidanka Dawladda
Muqdisho: Dad ku Dhintay Rasaasta Ciidanka Dawladda

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay 30 kalena way ku dhaawacmeen is-rasaasayn Muqdisho ku dhex martay Ciidanka DKMG.

Goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad ayaa VOA u xaqiijiyay dhacdadan.

Is rasaasaynta ayaa bilaabantay ka dib markii ilaalada Isbitaalka Banaadir ay toogteen askari ka tirsan booliska oo xidhnaa dhar rayid ah.

Askar kale oo ka tirsan booliska iyo milatariga oo ku labisan dirayska ciidamada ayaa goobta soo gaadhay, goob jooge ayaa VOA u sheegay in ay labada ciidan isku dhaceen ka dib markii uu muran dhex maray, murankan ayaa u muuqda in uu ka dhashay askariga la toogtay ee dhintay.

Goobta ay is-rasaasayntu ka dhacday ayaa ah goob mashquul ah oo ku taalla koonfurta Muqdisho, dadka dhintay ayaa u badan dad rayid ah oo ka ag dhawaa goobtaasi, sida ay goobjoogayaashu xaqiijyeen.

Warar kale oo laga soo xiganayo dad goob joogayaal ah ayaa tilmaamay in ay xabaddu ka bilaabantay rasaas si kadis ah uga soo fakatay ciidanka.

XS
SM
MD
LG