Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Bam Gacmeed lagu Tuuray Makhaayad


Muqdisho: Bam Gacmeed lagu Tuuray Makhaayad
Muqdisho: Bam Gacmeed lagu Tuuray Makhaayad

Makhaayaad ku taalla Buulo-Xuubey ayaa waxaa caawa fidkii lagu tuuray Bam Gacmeed. Ugu yaraan 8 qof ayaa dhaawacmay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bam gacmeed lagu tuuray meel makhaayad ah oo ku taala xaafadda Buulo-Xubeey ee magaalada Muqdisho ay ku dhaawacmeen ilaa 8 qof oo ka mid ahaa dad maqaayadaasi ku sugnaa oo ay ku jiraan dumar meesha shaah ku iibinayay.

Makhaayada bamka lagu tuuray ayaa waxay u dhow dahay agagaarka Villa Baydhaba oo ah saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG, waxaana la sheegay in markii bamku qarxay kaddib ay halkaasi isku hareereeyeen ciidamada DKMG ee fadhigoodu yahay Villa Baydhaba.

Dhinaca kalena, Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa caawa lagu soo rogay bandoo taasoo ay ka danbeyso weeraro is-xiga oo ka dhacay degmadaasi oo uu ugu danbeeyay weerar bambaano oo maanta lagu qaaday xarunta Maamulka G/Benaadir, kaasoo sababay dhaawaca 7 ruux.

Maamulka gobolka Benaadir ayaa sheegay in bamdoodan lagu xaqiijinayo amaanka degmada, waxaana jira tiro dad ah oo la qabqabtay.

XS
SM
MD
LG