Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho : Saddex Qof oo ku Dhimatay Iska Horimaad


Ugu yaraan saddex qof oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii Booliska Saldhiga Degmada Hodan Dhame C/laahi Maxamed Warsame iyo Labo qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday iska horimaad dhexmaray Ciidmada Boolis ah iyo Militari kawada tirsan DKMG ah.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee Mgaalada Muqdisho Sida ay xaqiijeen Masuuliyiin degmada.

Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Hodan Gaashaanle Xasan Maxamed Abuukar ayaa VOA u sheegay in iska horimaadka uu ka dhashay muran labad ciidan dhex maray oo ka dhashay goob ganacsi

Xaalada ayaa iminka degan inkasta oo uu iska horimaadka uu saameyn xooggan ku yeeshay isticmaalka Wadada KM4 iyo ganacsiga ka jiray waxaana maamulka degmada hodan uu sheegay inuu soconayo baaritaan la xirira dhacdadaasi.

XS
SM
MD
LG