Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin Weli ku Xanniban Budapest


Muhaajiriini mudaaharaadaya kadib markii loo diiday inay raacaan tareennada magaalada Budapest, Hungary, Sept. 2, 2015.
Muhaajiriini mudaaharaadaya kadib markii loo diiday inay raacaan tareennada magaalada Budapest, Hungary, Sept. 2, 2015.

Hungary, waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeye ee Midowga Yurub laga soo galo, oo 156,000 oo qof oo muhaajiriin ah ay yimaadeen sanadkan.

Hungary, waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeye ee Midowga Yurub laga soo galo, oo 156,000 oo qof oo muhaajiriin ah ay yimaadeen sanadkan.

Talaadadii, mas’uuliyiinta Hungary ayaa xiray, kadibna dib u furay xarunta ugu weyn ee tareenka laga raaco ee magaalada Budapest, hase yeeshee waxa ay weli u diidan yihiin dadka muhaajiriinta ah inay tareenada raacaan.

Boqolaal muhaajiriin ah, oo badankood ka yimid dalalka ay dagaalada ka socdaan ee bariga dhexe, ayaa ku xanniban dibedda xarunta tareenka.

Dadkaas badankood waxa ay mas’uuliyiinta ka codsanayaan in loo ogolaado inay raacaan tareeno u socda dalalka Austria iyo Germany.

Qof qaxooti Syrian ah oo aan is magacabain ayaa yiri “Codsigeena waa mid aad u fudud, waxaan u baahannahay kaliya in nala sii daayo. Inaan ka gudubno Hungary kaliya. Waxba ugama baahnin dowladda Hungary. Maxay ayada naga dooneysaa”.

In ku dhow laba kun oo muhaajiriin ah ayaa ku guuleystay inay tagaan magaalada Munich ee Germany, halkaasi oo xarunta tareenka magaalada ay talaadadii gaarayeen dad koox koox u socda oo muhaajiriin ah.

Booliiska magaalada Munich, ayaa muddo wax la qabanayey tiro badan oo muhaajiriin imaanaya ah, halka dad mutadawiciin ahna ay siinayeen dadka cunno iyo biyo.

Matthias Knott, oo ah afhayeenka booliiska magaalada Munich, ayaa yiri “Booliska halkan Bayern ah, waxa ay wajahayeen caqabado weyn muddo bilo ah. Waxaan toddobaad kasta keeneynay dad na caawiyaa. Xaaladdu waxa ay sii ahaan doontaa mid caqabad ah, laakiin si ay ahaataba waan xallin doonnaa”.

Germany ayaa waxa ay aqbashay tirada ugu badan ee qaxootiga imanaya Yurub, taasi oo dhammaadka sanadka la filayo inay gaarto 800,000.

Ururuka caalamiga ah ee socdaalka ee IOM, ayaa sheegay in in ka badan 350,000 oo qof oo muhaajiriin ay sanadkan galeen safarka halista badan ee badda miditareeniyaanka, ayaga oo ka qaxaya qalalaasaha iyo saboolnimada ka jira Bariga Dhexe iyo Africa, islamarkaana nolo wanaagsan ka raadinaya Yurub.

IOM, waxa ay sheegtay talaadadii in, in ka badan 234,000 oo qof oo qaxooti ah ay caga dhigteen xeebaha dalka Giriigga. 114,000 oo kale ayaa iyaguna tagay Talyaaniga, halka tiro intaas aad uga yar ay gaareen dalalka Spain iyo Malta.

Qiyaastii 2,600 oo qof kale ayaa geeriyooday, markii doomo cooshash ah, oo dadkuna ay buux dhaafiyeen, oo ay soo raaceenay badda gudaheeda kula rogmadeen, markaasi oo biyaha ay ku hirqadeen.

Kumanaan kale oo qaxooti ah ayaa la filayaa inay yimaadaan xeebaha Yurub, toddobaadyada soo socda. 28-ka dal ee xubanha ka ah midowga yurub ayaa la filayaa inay 14-ka September qabtaan kullan deg deg ah oo ku saabsan arrinta muhaajiriinta.

XS
SM
MD
LG