Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakil booliis oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdishu


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inuu goor dhowayd qarax ka dhacay meel u dhow saldhigga booliiska ee Waaberi.

Qaraxan oo xoogganaa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa waxa lala beegsaday saldhigga Waaberi.

Ilo dhinaca amniga ahayaa u sheegay VOA inay weerarkan ku dhinteen lix qof oo shan ka mid ah ay yihiin ciidamada booliiska, qofna uu yahay shacab.

Wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarka ay ku dhinteen taliyihii booliiska ee degmada Waaberi Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qaybta booliiska ee Weliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud Cagey.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay qof watay jaakad laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxan caawa dhacay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka is qarxiyey uu abbaaray saraakiisha ciidanka oo taagnaa afaafka hore ee saldhigga.

Saraakiisha dawladdu waxay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay ka dambeeyaan falka argagixisada ah.

XS
SM
MD
LG