Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxa Muqdishu oo Korodhay


Mogadishu explosion

Tirada dhimashada ee qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa korodhay. Wasaaradda amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhimashada haatan ay marayso 17 qof halka 8 kalena ay u dhaawacmeen.

Wararkii hore ee soo baxay ayaa sheegayay in qaraxaasi uu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, balse xalay ayaa Af-hayeenka wasaaradda amniga uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray mootooyinka loo yaqaan bajaajka.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Hoos ka dhagayso waraysiga Haaruun Macruuf uu la yeeshay Af-hayeenka Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG