Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdishu: Qarax Dhimasho Badan Gaystay


Qarax xooggan oo ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday afaafka dekedda Muqdishu saaka siday sheegeen dadka goobjoogga ah.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa VOA u sheegay ilaa hadda inay dhinteen 11 qof. Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in dhimashadu intaas aad uga badan tahay.

Baabuurka ayaa la qarxiyey xilli saxmad ah oo shaqaaluhu dekedda sii galayeen, waxana la sheegay in baabuurka lagu qarxiyey qayb ka mid ah dekedda oo ah xafiiska canshuur qaadista.

Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 7:30 subaxnimo xilli ay shaqaale badan safnaayeen dekedda horteeda si ay u galaan.

Dekedda Muqdishu waxa maamula shirkadda Al-Bayrak oo laga leeyahay Turkiga oo qandaraas kula jirta dawladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda waxayna sheegteen oo kale inay ku dileen 30 qof.

XS
SM
MD
LG