Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Huteelka Elite ee xeebta Liido oo la weeraray


Weerarka Liido
Weerarka Liido

Wararka Muqdishu ka imanaya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay huteel ku yaalla xeebta Liido.

Mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lala eegtay huteelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, kadibna dablay ay gudaha u galeen huteelka.

Dagaal ayaa la sheegay inuu ka socdo guadah huteelka u dhexeeya dablayda soo weerartay iuyo ilaalada amniga. Goobta waxaa haatan soo gaaray ciidamada dawladda Soomaaliya kuwaasi oo la wareegay hawlgalka lagula dagaalamayo dablayda.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay weerarka, sida ay VOA u sheegeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya. Shaqaaaha caafimaadka ee Aamin Ambulance ayaa sheegay inay daad gureeyeen ilaa haatan 28 qof oo dhwaaca ah.

Dadka dhintay waxaa ku jira mas'uul ka tirsanaa idaacadda Radio Muqdishu oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi oo xiriirka Gobollada u qaabislanaa Idaacadda, sida ay VOA u sheegeen saaxiibadiis oo uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim Macalimuu, xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaaliya.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka. Ugu yaraan laba jeer oo hore ayey maleeshiyada ururka Al-Shabaab weerareen huteellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana ku dhintay tobannaan qof oo rayid ah.

Nawaaxiga xeebta Liido ayaa ah meelaha ay sida badan u aadaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dawladda.

XS
SM
MD
LG