Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Militariga Guinea oo sheegay xilliga ay dib ugu celinayaan xukunka gacanta rayidka


Sawirka Col. Mamady Doumbouya oo afgembi kula wareegay xukunka dalka Guinea

CONAKRY, GUINEA — Korneyl Mamady Doumbouya oo ah madaxa ciidamada militariga ee dalka Guinea ayaa sheegay inuu go’aansaday in illaa 39 bilood lagu soo afjaro wakhtiga kala guurka ah, si xukunka dib loogu celiyo gacanta dadka rayidka ah.

Korneylka ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey telefiishanka, isaga oo sheegay in golaha qaran ee ku meel gaadhka ahi inay soo jeedintan horgeyn doonaan golaha baarlamaanka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii la abuuray wax uu talisku ku tilmaamay "qaab la tashi loo dhan yahay" bishii Abriil, taas oo ku soo dhamaatay shir ay qaadaceen ama ku gacan saydheen dhawr kooxo siyaasadeed oo caan ka ah dalkaas.

Jimcihii, waxaa dowladda ay u badan yihiin ciidamadu ay sheegtay in madasha oo tixgalineysa arrintan inay ay qaateen in xilliga kala guurku uu noqdo 18 illaa 52 bilood.

Korneyl Doumbouya wuxuu khudbadii uu jeediyey Sabtidii ku tilmaamay in muddada uu doortay ay tahay "soo jeedinta dhexdhexaadka ah."

Urur goboleedka ECOWAS ayaa Isniintii la soo dhaafay u qabtay wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay in la soo saaro jadwalka kala guurka oo ah mid la aqbali karo, haddii taas la samayn waayona, la soo rogi doono cuna-qabatayn dhaqaale iyo mid maaliyadeed.

Ciidamada militariga ee haya talada dalka Guinea ayaa weydiistay ururka dhaqaalaha galbeedka Afrika ee ECOWAS inay u kordhiyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay in la soo saaro jadwalka kala guurka, si ay u dhamaystiraan wada-tashiyada socda.

Ururka ECOWAS ayaa ku baaqday in la qabto wakhti “la aqbali karo” oo ay tahay in xukunka dib loogu celiyo rayidka, haddii taasi ay dhici waydona, waxaa ururku ku hanjabay inay kordhin doonaan cunaqabataynta saran dalka Guinea.

Bishii Sebtembar ee sannadkii 2021, saraakiil ciidan oo uu hogaaminayey Colonel Mamady Doumbouya ayaa afgambiyey madaxweynihii la doortay Alpha Conde.

Conde oo 84 jir ah, ayaa la kulmay mucaaradad xooggan, ka dib markii uu isku dayey inuu wax ka bedel ku sameeyo dastuurka dalkaas, si uu mar saddexaad ugu tartamo xukunka dalkaas.

Afgambigaas ka dib, ururka ECOWAS waxay ku baaqday in lix bilood gudahood lagu soo celiyo xukunkii rayidka ahaa.

In kasta oo dad badan oo reer Guinea ahi ay markii hore soo dhaweeyeen afgambiga, haddana waxa isa soo taraya niyad-jabka, ka dhanka ah xukunka milatariga dalkaas.

Inqilaabkii Guinea ee bishii Sebtembar ee la soo dhaafay ayaa ku soo beegmay iyada oo dalka Mali laftiisa ay xukunka la wareegeen ciidamo military ahi.

Ururka ECOWAS ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay xubnaha ka tirsan ciidamada milatariga ee dalka Mali, iyaga oo xidhay xuduudda dalkaasi la wadaago dalalka xubnaha ka ah ururka ECOWAS halka la xayiray hantidii dalka Mali ka taallay bangiga dhexe ee wadamada galbeedka Afrika.

Dal saddexaad oo ka tirsan ururka ECOWAS ayaa isna bishii January ee sannadkan waxaa isna ka dhacay inqilaab military, waana dalka Burkina Faso halkaas oo ciidamadu ay la wareegeen talada dalkaas.

Warbixinta Guinea
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG