Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afrika oo loogu baaqay inay dawlad-wanaaga u adeegsato la dagaallanka xagjirnimada


FILE - Shacabka ku dhaqan Soweto, South Africa, April 5, 2022.
FILE - Shacabka ku dhaqan Soweto, South Africa, April 5, 2022.

NAIROBI - Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dalalka Afrikaanka ah ee la tacaalaya, xagjirnimada gacan-ka-hadalka ku dhisani inay u baahan yihiin inay hirgeliyaan dawlad wanaag, isku-xukunka sharciga oo xooggan iyo in talada laga qaybgeliyo bulshooyinka la takooro iyo kuwa laga tirada badan yahayba, haddii la doonayo in la xoojiyo xasiloonida dalka.

Afrika waxaa sannadihii u dambeeyey ku soo badanayey kooxaha argagixsada ee ka howlgala guud ahaan qaaradda Afrika, waxaana ka mida kooxaha ugu caansan, kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Bariga Afrika, Al-Qaacida, kooxaha gacansaarka la leh ururka Daacish ee isku fidinaya gobolka Saaxil, iyo Boko Haram oo ka hawlgasha agagaarka Harada Chad.

Madaxa howlgalka gaarka ah ee ciidamada Mareykanka ee Afrika, Rear Admiral Jamie Sands, ayaa sheegay 3-dii bishan April in dalalka Afrika ay u baahan yihiin inay xoojiyaan maamul wanaagga iyo iskaashi weyn oo ay sameeyaan haddii ay doonayaan inay ka hortagaan halista argagixisada.

"Ma jirto ummad xallin karta caqabaddan ama dhibaatadan keligood," ayuu yidhi taliyuhu isaga oo hadalka sii raaciyey. "Iskaashigu waa furaha, kahortagga xagjirnimada iyada oo loo marayo dib-u-habeyn dowladeed iyo horumarinta, waa waddo ka sahlan, in lala dagaallamo xagjirnimada gacan-ka-hadalka ku dhisan, iyada oo loo marayo dhaqdhaqaaqyo firfircoon, Daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo in bulshadu ay ka qaybgeli karto nidaamka, arrimahaas ayaa fure u ah in hore loo socdo. Maalgashiga caalamiga ahi waa muhiim, waana in maalgashigaasi uu ahaadaa mid ku lammaan arrimaha amniga, maamul wanaaga iyo gargaarka”. ayuu yidhi.

Falalka argagixisada ayaa barakiciyay ugu yaraan 33 milyan oo qof oo qaaradda Afrika oo dhan ah, waxayna gacan ka geysteen xasillooni darrada siyaasadeed ee dalal badan oo qaaradda ku yaalla, sida Mali, Burkina Faso iyo Soomaaliya.

Taliye Sands wuxuu sheegay in xagjirnimada rabshadaha wataa ay baabi'iso xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo muwaadiniinteeda.

“Amni la’aanta oo ay weheliso, gobollada qaarkood, kalsooni darrada ka dhex jirta shacabka iyo dawladdu, runtii waxay abuurtaa jawi ay dadku ka aamin baxaan dawladnimada, ama ay si badheedh ah u go’aansadaan in xukuumadda la rido ama la afgambiyo, sida aan ku aragnay qaar ka mid ah ama tusaale ahaan dalka Burkina Faso. Waxaan u maleyneynaa in ay ahayd mucaaradad isu bedeshay afgambi," ayuu yidhi.

Bishii Janaayo 2022, militariga Burkina Faso waxay xilka ka qaadeen madaxweynihii dalkaasi waxayna laaleen dastuurkii. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in kor u kaca rabshadaha xagjirka ah iyo amniga oo xumaaday ay ku khasbeen inay xukunka kala wareegaan dowladdii rayidka ahayd.

Kooxaha xagjirka ah ayaa si gaar ah ugu soo ifbaxay dhulka dayacan ee xudduudaha ah, halkaas oo ay awoodaha dowladuhu ku yar yihiin, bulshooyinka labada dhinac ee xuduudka ahina ay ku dagaalamaan wax kasta oo kheyraad ah oo aaggaas ku jira.

Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa sheegay in 40 boqolkiiba dhacdooyinka rabshadaha iyo dhimashada ay ka dhacaan meel 100 kilomitir u jirta xadka u dhexeeya laba dal oo Afrikaan ah.
Simiyu Werunga, oo ah madaxa Xarunta Amniga Afrika ee Geneva, ayaa sheegay in wadashaqeyn la’aanta ka dhexeysa dowladaha Afrika ay tahay horseedka ugu weyn ee argagixisada qaaradda.

Taliye Sands ayaa isagu sheegay in dawladda Maraykanku ay gacan ka geysan doonto hagaajinta xidhiidhka hooseeya ee u dhexeeya dawladaha iyo bulshooyinka, iyo dhiirigelinta dawlad wanaaga oo ah habka ugu wanaagsan ee looga adkaan karo argagixisada.

XS
SM
MD
LG