Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Murashaxiinta oo eedeeyey Golaha Wadatashiga Qaran


Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca mar kale ku yimid doorashada Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa in madaxweynaha la doorto 10-ka October.

Golaha ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dib u dhacan doorasho uu sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la'aan, taasoo saamayn taban ku yeelatay xasilloonida, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

“Goluhu wuxuu ka xun yahay in tiro seddax jeer ah dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyey, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Golahu wuxuu dareensiinayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay mas'uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey.”

Golaha ayaa intaas ku daray inuu ka welwelsan yahay in aysan ilaa iyo haatan shacabka Soomaaliyeed u caddeyn xilliga saxda ah ee ay Doorashada Aqalka Hoose qabsoomayso, sida loo dhigay qoraalka.

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas'uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, wuxuunna ku adkaynayaa madaxda Golaha Wadatashiga in ay dedejiyaan hawlaha doorashooyinka, dhabna u qaataan natiijada taban ee ay dib u dhaca doorashooyinka ku yeelan karto xasilloonida, amniga iyo dhaqaalaha dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

XS
SM
MD
LG