Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Messi oo ku biiraya kooxda Inter Miami ee horyaalka Mareykanka


FILE PHOTO: FIFA World Cup Qatar 2022 - Final - Argentina v France
FILE PHOTO: FIFA World Cup Qatar 2022 - Final - Argentina v France

Lionel Messi ayaa meesha ka saari doona qandaraaska qaaliga ah ee la saadaalinayay inuu ku aado horyaalka Sacuudiga, waxaana uu hadda si xor ah ugu dhaqaaqi doonaa kooxda Inter Miami ee horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer ee kadib markii uu ka tagay kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris St Germain.

Messi, oo kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaaray PSG dhammaadkii toddobaadkii hore ayaa sidoo kale lala xiriirinayay in uu ku laabanayo Barcelona, laakiin kooxda reer Spain ayaa gacmaha ka xirtay sababo la xiriira sharciga dhaqaale horyaalka La Liga.

Wakaaladda Wararke ee Reuters oo soo xiganeysa BBC, ayaa sheegtay in haddii heshiiska Miami uu dhaco, in 35 jirka reer Argentine ka ciyaari doona meel ka baxsan Yurub, markii ugu horaysay tan iyo markii uu ku biiray akadeemiyada Barca isagoo 13 jir ah, waxaana uu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Spain isagoo dhaliyay 672 gool.

Horyaalka MLS ee Mareykanka ma aysan xaqiijin warbixinta BBC waxayna sheegtay in horyaalku uu ansixiyo dhammaan qandaraasyada ciyaartoyda.

Inter Miami iyana markiiba kama jawaabin codsiyada wakaaladda wararka ee Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG