Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa diiday inuu la kulmo saraakiisha kooxda Al Hilal, isagoo dhaawac halis ah u geystay rajadii kooxda Sacuudiga ee aheyd inay dhammeystiraan heshiiska lacagtii ugu badneyd adduunka oo ay ku iibsabn lahaayeen ciyaaryahanka
Xiddiga reer France ayaa diiday "wax wadahadal ah oo uu la yeesho wakiilada kooxda Al-Hilal, oo jooga Paris Arbacadii," sida ay werisay L'Equipe.
Xiddiga reer France ayaa diiday "wax wadahadal ah oo uu la yeesho wakiilada kooxda Al-Hilal, oo jooga Paris Arbacadii," sida ay werisay L'Equipe.
Sida warbixinta lagu sheegay, wafdi ka socda kooxda Sacuudiga ayaa u yimid Paris si ay u dhameystiraan heshiiska xiddiga reer Brazil Malcom oo uga yimid Zenit Saint Petersburg.
Waxay sidoo kale rabeen inay mashruucooda u bandhigaan Mbappe inta ay ku sugan yihiin caasimadda Faransiiska.
"Habkani ma guulaysan doono, waayo 24-jirkan wuxuu diiday inuu wax wadahadal ah la yeesho wakiillada Sacuudiga: " ayay raacisay L'Equipe.
Al Hilal oo fadhigiisu yahay Riyadh ayaa loo fasaxay inuu wadahadalo la furo Mbappe inkastoo uusan waligiis muujinin xiisaha uu u qabo u dhaqaaqista horyaalka Sacuudiga oo si xawli ah u koraya.
Laakiin Mbappe oo diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda heysata horyaalka France ayaa aaminsan inuu ku buuri karo kooxda Real Madrid marka uu dhammaado qandaraaskiisa oo sannad ka dhammin yahay.
AFP.
Madal