Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay Cabdalle Muumin


Cabdalla Muumin
Cabdalla Muumin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday madaxa ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate, Cabdalle Muunin.

Maxkamadda gobolka ayaa Cabdalle Muumin ku xukuntay laba bilood oo xarig ah, hase yeeshee waxaa sii daayey ciidamada booliiska, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin ay ku wageliyeen idaacadda VOA.

Cabdalla Muumin ayaa la xiray bishii October ee sannakdii hore, waxaana amxkamaddu kusoo eedaysay inuu ku caasiyey amar dawladeed.

Cabdalle Muumin ayaa xilligaas dhalliilay amar dawladeed oo ahaa inaan la baahin karin waxyaabaha ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay inay dacaayad u abuurayaan ururka Al-Shabaab.

Cabdalle Muumin ayaa inta badan tan iyo markii la qabtay ku qaatay dibedda oo uu ku joogay dammiin.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Warbixinta Xasan Kaafi ee xukunka Cabdalle Muumin
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:38 0:00

Sidoo kale, xukunkan ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ka waraysatay Maxamed Ibraahim Baaksitan oo ah gudodomiyaha ururka suxufiyiinta SJS, waxayna ugu horrayn weydiisay sida markii hore loo xiray Cabdalle Muumin.

Wareysiga Maxamed Ibraahim Baakistan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

XS
SM
MD
LG