Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ridday xukunno laga sugayey oo ka dhan ah kalluumaysato lagu helay inay si sharcidarro ah uga kalluumaysanayeen biyaha Soomaaliya.
Kalluumaysatadan ayaa ah 36 qof oo isugu jira 33 u dhashay Iran iyo 3 u dhalatay Pakistan. Waxaa iyaga iyo labada doonyood oo ay wateen la qabtay bishii April ee sannadkan iyagoo ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay inay raggaasi bixiyaan lacag wadar ahaan dhan 396 kun oo dollar oo ka dhigan in midkiiba bixiyo 11 kun oo dollar.
Waxaa kale oo maxkamddu xukuntay in lala wareego labadii doonyood ee ay wateen, qalabkii saarnaa iyo kalluun dhan 24,850 tan oo kalluun ah oo saarnaa.
Maxkamaddu waxay sidoo kale ku xukuntay inay bixiyaan 30 kun oo dollar taasi oo la xiriirta kalluun ay bishii November ee sannadkii hore ka xadeen biyaha Soomaaliya.
Madal