Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay Sayid Cali


Sayid Cali
Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maant dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa dilka xaaskiisa oo xaamilo ahayd, oo uu ku gubay gurigeeda.

Go’aanka Maxkamdda oo si weyn loo sugaayay toddobaadyo ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda, waxaana uu sheegay in maxkamaddu ay heshay caddeymo ku filan oo ay xukunkaasi ku gaartay.

Sayid Cali ayaa horay u gubay xaaskiisa, waxaana wali firinjiyeer ku jira meydkii marxuumadda, oo illaa iyo hadda aan la aasin, ka dib markii aabaheed uu diiday in la aaso ilaa ay gabadhiisa ka hesho cadaalad.

Maxakamadda ayaa horey laba fadhi oo lagu dhageysanyayay dacwadan oo si toos ah looga baahinayay telefishinka ka yeelatay, iyadoo la dhageystay marqaatiyeyaal iyo qareenada labada dhinac.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in Sayid Cali uu u furan yahay racfaan inuu ka qaato xukunka, taasi oo haddii uu sameeyo keeneysa in fulinta xukunka dilka ah uu dib u dhaco.

Faha-faahin dheeraad ah waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdicasiis Barrow.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay Sayid Cali
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:49 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG