Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Shabaab ku dhaawacmay qarax uu aasay


Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke)
Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo loo soo xeray 3-dii June 2022, laguna helay dambi ah inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Cabdillaahi uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qaybta qaraxyada, uuna 7 miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu yiri “Waxa uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.”

Cabdillaahi ayaa sida ay Maxkamadda sheegtay uu dhaawac kasoo gaaray qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole kadib markii uu isku dayay inuu ka bixiyo markii uu waayay cid soo marta, uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Cabdillaahi ayaa racfaan ka qaadan kara xukunka xabsi daa’inka ah ee lagu riday.

XS
SM
MD
LG