Muqdisho —
Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya, kuwa HirShabeelle iyo dad deegaanka ka tirsan ayaa dagaallo adag kala hortagay ururka Al-Shabaab, kana qabsaday deegaano dhowr ah.
Waxaa sidoo kale kale gobollo ay ka mid yihiin Jubooyinka iyo Galguduud ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay howlgallada socda, oo ay u arkaan mid haddii dowladdu ay si dhab ah u garab istaagto, looga adkaan karo Al-Shabaab.