Muqdisho —
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi u uku guuleystay tartankii guddoomiyaha Aqalka Sare.
Haddaba doorashada guddoonka Aqalka Sare ee baarlamanka maxay uga dhigantahay mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya, maxayse yihiin caqabadaha hor istaagi kara dhamaystirka doorashada?
Su'aalahaas iyo kuwa kale ayuu Xuseen Barre weydiiyay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ah madaxa macahdka Heritage ee Muqdisho.