Addis-Ababa —
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa weli ku sugan dalka Ethiopia, waxaana illaa iyo shalay uu dhowr jeer kulamo la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo qaar ka mid ah madaxda Ethiopia.
Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada madaxweynaha ee xilligan. Warbixin arrintan ku saabsan, waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.