Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka ka bedeli kartaa la dagaalanka Al-Shabaab? 


Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu fasaxay in ciidamo ka tirsan Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ururka Al-shabab, taas oo ka lid ku ah go’aanki uu madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump uu Soomaaliya uga soo saaray ciidamadan.

Haddaba muhiimad intee la eg ayay ciidamada Soomaaliya iyo la dagaallanka argagixisadaba u leedahay tallaabada ay dowladda Mareykanka dib ugu soo celineyso ciidankeeda. Arrintan ayuu Haruun Macruf ka waraystay Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo horey u usoo noqday taliyaha ciidanka Danab.

Maxay dib u soo noqoshada ciidamada Maraykanka bedeli karta la dagaallanka Al-shabaab?
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG