Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Faarax oo ku Guuleystay orodka 10-kun ee Mitir


Orodyahanka Maxamed Faarax ee u orda dalka Britain ayaa ku guuleystay tartanka orodka ee 10-kun ee Mitir.
Maxamed Faarax oo 29 jir ah, asalkiisuna uu Soomaali yaay ayaa noqonaya orodyahankii ugu horreeyey ee Britain ka socda ee qaada tartanka orodka 10-kun ee mitir tan iyo sannadkii 1984tii.
Maxamed Faarax wuxuu sidoo kale haystay horyaalka caalamka ee orodka 5-kun ee mitir. Tartanka maanta wuxuu ku orday 27 daqiiqo.
Maxamed ayaa guushaasi kadib sheegay inuu aad u faraxsan yahay guushiisa.
Maxamed Faarax guusha uu gaaray ayaa ah mid si weyn u farxad galisay dadka Britain iyo waliba Soomaalida meel kasta oo ay joogaa.
XS
SM
MD
LG