Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa sababay khilaafka hakiyay horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya?


SFF
SFF

Waxaa uu hakad ku yimid horyaalka kubadda cagta heerka koowaad ee Soomaaliya kadib khilaaf soo kala dhexgalay qaar kamid ah kooxihii ka qeybgali lahaa iyo xiriirka maamulaya horyaalka.

Ilaa afar kooxood oo cabsaho u gudbiyay guddiyada kala duwan ee xiriirka kubadda cagta ayaa sheegay inaysan ka qeyb galaynin tartanka oo 17kii bshaan ka furmay magaalada Muqdiho laakiin aan lasii cayaarin.

Haddaba faahfaahinta inta koox ee ka biya diidday ka qeybgalka horyaalka iyo sababaha ay uga baxeen ayaan ka waraystay Gudoomiyeyaasha labo kamid ah kooxaha tartanka qaaddacay ee Raadsan iyo Midnimo Cali Yuusuf Cali iyo Cabdiraxman Maxamed Geelle Sandhool,

Waxaanse ku hormaray gudoomiyaha Raadsan Cali Yuusuf oo marka hore arrimahan noo faahfaahinaya.

Maxaa sababay khilaafka hakiyay horyaalkaa Kubadda Cagta Soomaaliya?.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:33 0:00

XS
SM
MD
LG