Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa lagu saleeyey go'aanka Maxkamadda Sare ee kursiga HOP086?


Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa warqad ay soo saareen ku sheegay in Maxkamadda Sare ay iska diiday qaadista dacwadda uu talihii hore ee hey’adda Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku saabsanayd kursiga HOP086.

Go’aankan oo ay ku saxiixnaayeen Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, iyo garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf, iyo Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, ayaa lagu sheegay in Maxkamadu aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo matalaya Guddiga Doorashooyinka uu ku sheegay in Maxkamadda Sare aysan awood u lahayn ka-garnaqida cabashooyinka la xiriidha doorashada dadban ee baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Colaad Xassan ayaa Go’aankan iyo sharciyaddiisa ka wareystay garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ku-xigeenkii hore ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoore Sarena kasoo noqday Maxkmadda Racfaanka.

Maxaa lagu saleeyey go'aanka Maxkamadda Sare ee kursiga HOP086?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:37 0:00

XS
SM
MD
LG