Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa lagu macneyn karaa hadalka Xasan Sheekh ee ku aaddan wada-hadallada Al-Shabaab?


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah. Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Haddaba faah-faahinta hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo horey xilliyo kala duwan usoo noqday Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Booliiska ee maamul goboleedlka Puntland.

Maxaa lagu macneyn karaa hadalka Xasan Sheekh ee ku aaddan wada-hadallada Al-Shabaab?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:16 0:00

XS
SM
MD
LG