Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa laga ogyahay qaban-qaabada koobka dunida ee ka dhacaya dalka Qatar


Qatar Soccer World Cup
Qatar Soccer World Cup

Dalka Qatar ayaa sannadkan marti-gelinaya koobka dunida, isaga oo noqonaya dalkii ugu horreeyey ee muslim ah ee koobkaas lagu qabto. Inkasta oo dalkani si weyn ugu diyaargaroobay martigelinta koobka, haddana waxaa la soo sheega inay jiraan caqabado soo foodsaaraya qaban-qaabiyayaasha oo la xidhiidha dhinaca goobaha la degayo.

Dalka Qadar oo aad u yar, ayaa noqonaya dalkii ugu yaraa ee martigeliya koobka dunida, halkaas oo ay isugu imanayaan taageerayaal iyo ciyaaryahanno ka kala socda illaa 32 waddan, kuwaas oo la filayo inay ka qaybgalaan ciyaaraha koobka dunida oo lagu kala qabanayo illaa sideed garoon oo ku hareeraysan caasimadda Doha.

Arrimaha togan ee ay leedahay in cayaaraha lagu qabto dal yar ayaa ah, in taageerayaashu ay si fudud u gaadhi karaan dhammaan garoomada ay cayaaruhu ka dhacayaan, maadaama ay aad isugu dhow-dhow yihiin, halka sannadihii hore ee lagu qabtay koobka dunida dalalka Ruushka iyo Brazil, ay taageerayaashu isticmaalayeen duulimaadyo kala duwan si ay u gaadhaan garoomada oo ku kala yaallay magaalooyin kala durugsan.

Hase ahaatee waxaa caqabad xooggani ka taagan tahay dhinaca hotelada ama degsiimada, halkaas oo lagu qiyaasayo in illaa 1.2 million oo taageerayaal ahi ay dalkan soo booqan doonaan si ay u daawadaan ciyaaraha koobka dunida ee soconaya muddada 28-ka maalmood ah.

Madaxweynaha ururka FIFA Gianni Infantino oo xilka qabtay ka dib markii la go’aamiyey in dalka Qatar uu martigeliyo koobka dunida, ayaa markii hore isku dayey inuu sahamiyo sidii dalal kale oo gobolka ku yaallaa ay martigelinta ula wadaagi lahaayeen dalka Qatar.

Hase ahaatee qorshahaas ayaa markii dambe meesha laga saaray. Madaxweynaha FIFA ayaa isagu weli niyadda ku haya in taageerayaasha ka soo qaybgelaya koobka dunidu inay fursad u helaan inay booqdaan wadamada kale ee Carabta.

“Dalka Qatar wuu soo dhoweynayaa wuuna martigelinayaa qof walba oo raba inuu joogo, laakiin sidoo kale waxaa suuro gal ah, in qofkii rabaa uu maalin ku soo qaadan karo Dubai ama Abu dhabi ama Muscat ama Riyadh ama Jedda ama magaalo kasta oo gobolka ku taalla” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qaban-qaabiyayaasha ayaa ku xadiday in hotelada illaa 3 xidigood ah, in taageerayaasha lagaga kireeyo illaa $120. Golaha sare ee adeegga ee dalka Qatar ayaa ballan qaaday inay diyaar noqonayaan illaa 130,000 oo qol iyo illaa 60,000 oo isugu jira guryaha kooban ee la dego (Apartments) iyo illaa 4000 oo qolaalka raaxada ah.

Reuters

XS
SM
MD
LG