War Deg-Deg ah

Maxaa kusoo kordhay xaaladda cakiran ee Mbappe iyo PSG?

Weeraryahanka Paris St Germain Kylian Mbappe ayaa ku qasban inuu saxiixo qandaraas cusub haddii uu doonayo inuu kooxda sii joogo, iyadoo kooxda heysata horyaalka Faransiiska aysan u oggolaan doonin inuu si bilaash ku baxo sanadka soo socda, sida uu sheegay guddoomiyaha kooxda Nasser Al-Khelaifi Arbacadii.

Mbappe ayaa warqad u diray PSG bishii hore isagoo sheegay inuusan wax niyad ah u heynin inuu qandaraaska u kordhiyo, kaasoo dhacaya 2024-ta.

Laakiin markii dambe wuxuu caddeeyay inuusan weydiisan kooxda Faransiiska inay u oggolaato inuu u dhaqaaqo kooxda Spain ee Real Madrid, oo hore isku dayday kuna guuldareysatay inay soo xerogeliso weeraryahankii ku guuleystay Koobka Adduunka.

PSG ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo ah inay u oggolaato Mbappe inuu dhaco qandaraaskiisa sanadka ugu dambeeya, isla markaana aysan awoodin inay dib u soo ceshato mid ka mid ah 180 milyan oo Yuuro ($ 195.71 milyan) oo ay ku kharash gareysay sannadkii 2017,si ay ugala soo wareegto AS Monaco.

“Mowqifkeyga aad ayuu u cad yahay, ma doonayo inaan ku celiyo mar walba: hadii Kylian uu doonayo inuu sii joogo, waxaan dooneynaa inuu sii joogo, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu saxiixo qandaraas cusub,” ayuu Al-Khelaifi u sheegay suxufiyiinta kadib markii uu soo bandhigay Luis Enrique, tababaraha cusub ee kooxda.

Mbappe ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku guuleystay gooldhaliyaha ugu sareeya Ligue 1 ee PSG.

Wuxuu hore u waayay Lionel Messi oo ku biiray kooxda horyaalka Mareykanka ee Inter Miami, taas oo ku khasbeysa inuu isaga huleelo PSG.

Reut

XS
SM
MD
LG