Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waxay weerarro ku qaadday deegaanno horay looga qabsaday oo ku yaalla maamul goboleedyada ku dhow Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Deegaanka Daaru Nicma oo Al-shabaab oo horay gacanta kooxda uga baxay ayey dhowaan weerareen , iyada oo la sheegay in ay bur-buriyeen qeybo kamid ah Masjidkii magaalada.
Haddaba, maxaa keenay in Al-shabaab ay dib ugusoo dhiirradaan in dagaal ay kusoo qaadaan deegaanno horay looga qabsaday? Maxaase lagu micneyn karaa weeraradaan?
Weriyaha VOA-da ee Muqddisho Cabdicasiis Barrow ayaa su'aalahaan iyo kuwa kale waxa uu weydiiyay Cumar Cabdi Jimcaale oo ah cilmi baare daraaseeya Amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika?
Madal