Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadallada diiradda lagu saaray qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulanka kaddib, ayaa adkeeyey midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaanti uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood.
Muqdisho —