Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in ciyaartoydiisu ay ka caroodeen khalad dhinaca garsoorka ah oo aaladda VAR ka gashay kooxdiisa, kaas oo sababay in Arsenal ay khasaariso laba dhibcood kahor kulanka adag ee maanta ay kaga hortagayaan Manchester City.
Barbaro 1-1 ah oo ay Sabtidii garoonkooda kula galeen Brentford ayaa la macno ah in kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ay 3 dhibcood oo kaliya ka horrayso kooxda difaacanaysa horyaalka ee City waxaana laga yaabaa in ay hoggaanka ka soo tuurto haddii ay guuldaro kala kulanto Emirates.
Goolkii barbardhaca ahaa ee Brentford ee u dhaliyay Ivan Toney ayaa ansax noqday, inkastoo saaxiibkiis Christian Norgaard uu ku jiray booska offside ee dhismaha kubbadda goolka noqotay, waxaana khaladkaas qirtay ururka garsoorka ee Professional Game Match Officials Limited, iyaga oo ku tilmaamay 'qallad weyn', sida ay qortay Reuters.
Lee Mason, oo ah garsooraha VAR ee ciyaarta, ayaa ku fashilmay inuu saaro calaamadda lagu cabbiro offside-ka.
Arteta ayaa sheegay in ciyaartooyda Arsenal ay ciyaaraas ku dhameysteen xanaaq, isla markaana aysan raalli ahaan doonin ilaa Arsenal looga soo celiyo laba dhicood, taas oo uu ku sheegay inaysan suuragal aheyn.
Arsenal ayaa maanta ciyaar adag kaga hortagi doontaa kooxda Manchester City, taas oo noqon doonta mid doodda hanashada horyaalka dhinac ugu ridda midkood laba kooxood.