Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar oo Doorasho ka Bilaabatay


Dadka Masar ayaa maanta u dareeray wareega labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaasi oo lagu soo dooran doono madaxweyne cusub.

Laba musharax ayaa doorashadan u tartamaya oo kala ah; Axmed Shafiq oo ah ra'iisul-wasaarihii hore iyo Maxamed Morsi oo ka tirsan xibsiga akhwaanul-muslimiin.

Doorashada ayaa socon doonta maanta oo Sabti ah iyo berri oo Axad ah, waxayna doorashadan maanta ku soo beegantay iyadoo ay jirto xiisad ka taagan Masar oo ka dhalatay go'aamo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ee Masar oo kala dirtay baarlamaankii dhawaan la soo doortay, sidoo kalena laashay go'aan lagu go'doominayay saraakiishii la soo shaqeeyay Mubarak.

Doorasahadan ayaa lagu soo dooranayaa madaxweyne cusub oo qaban doona xilkii uu banneeyay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaara oo lagu qasbay inuu xilka ka dago bilowgii sannadkii hore kaddib markii ay bilowdeen kacdoon xooggan oo dowladdiisii looga soo horjeeday.

XS
SM
MD
LG