Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uuliyiinta Somaliland oo billaabay baraarujin la xiriirta cudurka cancer-ka


Afarta bisha Febraayo ee sanad walba, oo shalay ku beegneyd, waxaa dunida laga xusaa maalinta cancer-ka adduunka.

Waa maalin caalami ah oo sare loogu qaado wacyiga la xiriira xanuunka cancer-ka, sidoo kalena lagu dhiirigeliyo dadka inay raadsadaan daryeel xilli hore ah inta aanu xanuunku baahin.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka waayahan dambe uu xanuunka ku soo badanayo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo kuwa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa billaabay baraarujinta bulshada, iyagoo booriyay inay ku dhiiradaan xarumaha caafimadka si ay isaga baaraan cudurka cancer-ka si looga hortago khatartiisa.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Mas'uuliyiinta Somaliland oo billaabay baraarujin la xiriirta cudurka cancer-ka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG