Japan —
Dhowaan dalka Japan waxa safar ku tagay mas’uuliyin matalaya qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo martiqaad ka helay hay’adda Iskaahsiga Caalamiga ah ee Japan, ee Japan International Cooperation.
Mas’uuliyiintaas ayaa u kuurgalayey heerka maamulka dawladaha hoose.
Guddoomiyaha degmada Afmadow Maxamed Amiin Cusmaan ayaa ka mid ahaa mas’uliyiintaasi, waxaana isagoo xillliga la waraysanayey ku sugnaa magaalada Tokyo uu uga warramay Haaruun Macruuf awoodda dawladaha hoose ee Japan.