Wasiirku waxa uu qayb ka ahaa Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda la Baxday Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho ku tagay dalka Faransiiska.
Waxaana waraysi la yeeshay wasiirka wariyaha VOAda ee qaaradda Yurub Cabdisalaam Herei oo ka waraystay arrimo kala duwan, oo ay ka mid yihiin xiddhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka , iyo waliba waxayaabaha ka suurtagalay ololaha ictiraaf raadinta ee Somaliland ee ay Xukuumaddu waddo.
Barnaamijka oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.