Barnaamijka Martida Makarafoonka waxaa maanta marti inoogu ah ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wareysigan oo ah kii ugu horreeyay ee uu ra'iisal wasaare Farmaajo bixiyo tan iyo markii dhammeystiray golihiisa wasiirada ayaa waxaa uu kaga hadlayaa dhinacyo badan oo ka mid ah hawlaha rajada uu ka qabo in baarlamaanku uu ansixiyo xukuumaddiisa, qorshaha xukuumaddiisa ee 100 maalmood ee u horreeya, arrimaha dastuurka cusub iyo diidmada Puntland ee wasiro ka tirsan golihiisa xukuumadda.