Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Nin Qirtay Inuu Gubay Maqaayadda Jubba


Mathew William Gust, ayaa ka hor qirtay maxkamad ku taalla gobolka North Dakota ee dalka Mareykanka in uu gubey maqaayadda Jubba Café oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed, islamarkaasina ku ku taallay magaalada Grand Forks ee isla gobolkaasi, 8-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Gust, ayaa lagu eedeeyanayay in uu sidoo kale burburiyay hantidii maqaayaddaasi tiillay oo gaareysa 90 kun oo dollar iyo eedeymo ku saleysan naceyb.

Ninkan oo 25 jir ah, ayaa la xukumi doonaa 29-ka August ee sanadkan, iyadoo ay suura gal tahay in uu wajaho xabsi gaaraya 15 sano.

Gust ayaa sidoo kale waajib ku noqon doonta in uu bixiyo qarash u dhigma hantidii ku baaba’day maqaayadda Jubba Café ee uu gubay.

XS
SM
MD
LG