Muqdisho —
Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku saxiixday heshiis af-garad oo la xiriira tababarka ciidamada iyo dhismaha shan saldhig oo ciidan.
Mareykanka ayaa taageeraya dhismaha ciidanka Danab ee kumaan-doosta ee ka tirsan xoogga dalka, ee Maraykanka uu tababarada iyo taageerada ka bixiyo.
Mareykanka ayaa sidoo kale xarumo tababar ciidan ka hirgelinayaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.
Heshiiska is-afgarad ayaa Mareykanka ku bixinayaa lacag dhan 100 milayn oo dollor.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.
Madal